Hogaamiyayaasha Turkiga iyo Ruushka oo kulmi doona mudo sanad ah ka dib

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa socdaal ku tegi doona Ruushka ka dib casuumad uu ka helay dhigiisa Ruushka iyagoo ka wada xaajoon doona dhinacyada horumarka gobolka iyo xaaladda Idlib Suuriya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ihlas News Agency (IHA).

Labada hogaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Moscow, horumarka gobolka ee hadda jira, iyo arrimaha caalamiga ah.
Waxaa la filaya in si gaar ah diiradda ay usaari doonaan xaaladaha ka jira wadamada kala ah Syria, Libya iyo Afghanistan

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada madaxweyne si toos ah ugu kulmaan in ka badan mudo sanad ah.