K. Waqooyi oo sheegtay inay ku guulaysatay tijaabada gantaal cusub

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in maalinimadii shalay lagu guuleystay tijaabinta gantaal cusub oo nuuciisu yahay kuwa ka dheereeya gantaalada caadiga ah, sida ay xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaalkaasi cusub oo loogu magac daray Hwasong-8 uu ka mid yahay shanta ugu muhiimsan ee lagu dejiyay qorshaha horumarinta militariga ee shanta sano.

Tijaabinta gantaalkan oo ah kuwa shan mar guuxooda ka dheereeya ayaa ah calaamad kale oo muujineysa tiknoloojiyadda hubka ee sii kordhaysa ee Pyongyang iyada oo ay saaran tahay cunaqabatayn adag.

Dalalka K/Koonfuree,Jabaan,Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay tijabada gantaalkii sadexaad ee Woqooyiga Kuuriya ay tijaabiyaan bil gudaheed.