Danjirayaasha Soomaaliya & Tunisia u fadhiya Kuwait oo ku kulmay dalkaasi.

Danjiraha JFS ee Kuwait Mudane Dr Abdullahi Mohammed Odowa ayaa maanta xafiiska ku qaabiley Danjiraha Tunisia ujooga Kuwait Mudane Hechemi Agili.

Labada masuul ayaa kawada hadlay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal ee walaalaha ah u dhaxeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo isbadaladda siyaasaddeed ee Tunisia ka dhacaya.

Labaa masuul ayaa isla qaatay sidii loo sii xoojin laha xiriirka labad dowladood ee walaalaha ah islamarkaana ay iska kaashadaan horumarada labada wadan.