Muhiimadda Dekadda Kalluumeysiga Hobyo u leedahay Bulshada deegaanka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa bogaadiyay cid walba oo gacan lixaad leh ka geysatay dhismaha Dekadda Kalluumeysiga Hobyo oo muhiim u ah shacabka deegaanka in shixnado kala duwan oo ganacsi kala soo degaan.

Wasiir Alcadaala ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii iyo hay’adihii gacanta ka geystay mashruucan, wuxuuna shacabka degmada Hobyo iyo guud ahaan Galmudug ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan fursadan dahabiga ah ee Dekadda loogu hirgeliyay.

“Waxaan bogaadinayaa cid walba oo gacan ka geystay dhismaha dekada macmalka ah ee Hobyo,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Mashruucan balaaran ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Talyaaniga, Hay’adda WFP, maamulka Galmudug iyo shacabka degmada oo dhabarka u xirtay in maanta la gaaro guushan oo ah mid taariikhi ah oo wax badan ka tari doonto horumarka Galmudug.

Dekadda Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, waxayna dhismaha Dekaddani qeyb weyn ka qaadan doontaa kobcinta dhaqaalaha Galmudug.

Dhismaha dekadda Hobyo waxaa ay ahmiyad gaar ah u leedahay gobollada bartamaha Soomaaliya, waxaana ka faa’ideysan kara bulsho malaayiin ah, waxaana shalay si wadajir ah xariga uga jaray madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirka Dekadaha Galmudug Saabir Shuuriye iyo Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.