Ra’iisal wasaare Rooble” Waa in aan isu kaashanaa la dagaalanka argagixisada hororka ah,”

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Muqdisho ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday.

”Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa  dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isu kaashado la dagaalanka argagixisada hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.