Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay

Qarax is-miidaamin ayaa goordhaw ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab, kaas oo khasaaro kala duwan geystay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Khasaare soo gaaray dad shacab ah ayaa jira, in kastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay.