Guddiga doorashada K/galbeed oo la kulmay Odayaasha dhaqanka

Gudiga hirgelinta Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu Hoggaaminayey Gudoomiyaha Gudiga Mudane Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulanka Odeyaasha iyo Gudiga ayaa ahaa Isbarasho iyadoo odayaasha loo sharxay Habraacyadii ay soo Sareen Gollaha Wadatashiga Qaran Cida soo Xulaysa Ergada.

Odayaasha dhaqanka ayaa bogaadiyay shaqada adag ay guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed Bulshada u hayaan.