Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta XFS oo soo bandhigtay Sooyaalka Taariikhda Shidaalka Soomaaliya iyo Fursadaha ka jira

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey oo ay Wehliyaan Xubno ka Tirsan Hay’adda Batroolka Soomaaliyeedayaa ka qeybgalay Shirweynaha E & P Africa oo lagu qabtay Magaalada London , Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Eng.Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ugu qeybgalay Shirka aaladda fogaan aragga ee (Zoom Meeting) ,Shirakan ayaa waxaa ka qeyb-galay Dhammaan Shirkadaha ka Shaqeeya Baarista ,Soo Saaridda iyo Suuq-qeybta Shidaalka Qaaradda Africa ,

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa Shirweynaha ku soo bandhigtay Sooyaalka Taariikhda Shidaalka Soomaaliya iyo Fursadaha ka jira dalka ee ay ka faa’iideysan karaan Shirkadahaas.