Kooxda Daaliban oo ku dhawaaqday hirgalinta xukuno ka dhan ah Shacabka

Horjoogahii ilaalada Xabsiyada ee Daaliban ayaa sheegay in ciqaab isugu dil iyo gacan goyn ay ka bilaaban doonaan Afghanistan.

Ninkan oo lagu magacaabo Mullah Nooruddin Turabi, oo haddana ah nin kooxda u qaabilsan xabsiyada, ayaa AP News u sheegay in dadka oo gacmaha laga gooyo ay lagama maarmaan u tahay amniga iyo xasiloonida Afgahanistan.

Wuxuu sheegay in ciqaabtan laga yaabo inaan lagu fulin meel fagaare ah, maaddaama dhaqaankaas uu ahaa mid ka jiray maamulkii hore ee Daalibaan 1990 -meeyadii.

Tan iyo markii ay awoodda Afgaanistaan la wareegeen 15-kii Ogosto, Daalibaan waxay ballan qaadayeen xukun iyo aragtiyo lamid ah kuwii ay hore u haysteen.

Hey’adaha u dooda Xadgudubyada ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa dhowr jeer ka digay in Afghanistan ay noqoto meesha ugu badan ee dadka Rayidka ah lagu waxyelleeyo.