Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay khaasaraha qaraxii Muqdisho ka dhacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay kooxaha argagaxisada la beegsadeen dad shacab ah.

“Dhimashada guud waa 8-qof, 7-qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamada ilaalada wadooyinka , dhaawacuna wuxuu gaaraya 9-qof, “ ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed mar uu warbaahinta kula hadlayay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Gadiidka gurmadka degdeg ah ayaa dadkii dhaawaca ahaa goobta ka qaaday, iyadoo kuwa dabbka damiyana ay bakhtiiyeen dab qabsaday gaadiidkii goobta yaalay.