kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Boosaaso

Shir looga hadlayay amniga gobolka bari ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidamada amniga qeybahooda kala duwan.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga amniga Gobalka Bari madaxda ciidanka booliska iyo saraakiil kale.

Kulanka oo ahaa wejigii labaad ee shir noociisa oo kale ah ayaa si weyn looga hadlay sugida amniga Gobalka Bari, madaama Bosaaso ay ka mid tahay meelaha lagu qaban doono Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ee kulanka isugu yimid ayaa isku raacay in la adkeeyo amniga guud ee gobolka Bari, islamarkaana gacan bir ah lagu qabto dadka falalka ammaan dari geysta.