Foolkaano ka qarxay Jaziirad ku taal dalka Spain oo khasaare sababay

Qaar ka mid ah Shirkadaha diyaaradaha ayaa baajiyey ilaa 30 duulimaad Jimcihii kuwaas oo ay ku tegi jireen jasiiradaha Spain ee La Palma iyo La Gomera sababo la xiriira daruuro dambas ah oo ka dhashay foolkaano qarxay.

Shirkadaha Iberia, Binter, Canaryfly iyo Vueling ayaa ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ee joojiyay duulimaadyada inkasta oo garoomada diyaaradaha lagu dhawaaqay inay shaqeynayaan,sida ay warisay wakaaladda wararka ee  Efe.

Fulkaanaha  qarxay  ayaa la shegayaa inuu burburiyay ku dhawaad ​​400 oo guri iyo 200 hektar (494 acres) oo dhul ah.