RW Rooble iyo madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka shiray doorashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga caawa ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.