Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir guddoomiyey shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Arrimaha Amniga, Xakamaynta Cudurka COVID-19 iyo Dardargelinta Qorshayaasha loogu adeegayo Shacabka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada ka qeybgalay Shirka, kuwaasi oo uu ka dhageystay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19, isagoo kula dardaarmay inay joogteeyaan Wacyigelinta Bulshada.