Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo Xarigga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan Baari, oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdi khadar Maxamed Xasan ayaa Xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Boondheere Maxamed Aadan Cismaan Ayaa ku shaqeyn doona Xarunta Maxkamadda Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maxkamadda Gobalka Banaadir mudadii uu joogay Maxkamadda Racfaanka waxuu dib u furay Maxkamadda Degmada Shibis, Maxkamadda Degmada Kaxda iyo Maxkamada Degmada Boondheere.