Galmudug oo sheegtay inay waddo qorshe looga maarmayo isticmaalka Dhuxusha

Agaasinaha guud ee Wasaarada degaanka isbeddalka cimillada iyo horumarinta reer miyiga ee dowlad gobaleedka Galmudug, Xuseen Axmed Maxamuud ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay waddo dedaallo looga maarmi karo isticmaalka dhuxusha.

Agaasimaha oo ka hadlayay kulan ay wasaaraddu soo qaban-qaabisay kuna saabsanaa ka hortagga xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha oo lagu qabtay koofurta Gaalkacyo ayaa intaa ku daray in la samayn doono wacyigelinno ku aaddan adeegsiga aaladaha kale ee wax lagu karsado, si looga maarmo Dhuxusha.

Guddoomiyaha Gobalka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa  sheegay in xaalufin badan lagu hayo degaanka, loona baahan yahay in laga wada qeyb qaato ka hortagga xaalufka