Daalibaan oo codsatay ka qaybgalka shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Ururka ay soo gaartay warqad ka timid kooxda Daalibaan, oo uu ku saxiixan yahay ninka ay kooxdaas u magacawday wasiirka arrimaha dibadda.

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Khan Mottaki, ayaa codsaday ka qeybgalka kal fadhiga 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si uu ula hadalo hoggaamiyayaasha adduunka ee ka qeyb galaya Shirka.

Ku xigeenka Xog-hayaha Warfaafinta u qaabilsan kooxda Daalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan waxa uu ku sheegay dowladda cusub ee ay dhawaan dhiseen, ayna ula macaamilaan si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Daalibaan, ayaa sidoo kale magaalada Kabul kula kulmay Danjiraha Dowladda Qatar Saciid Mubaarak Al-Khayariin, waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya mustaqbalka xaaladda Afghanistan.

Ugu danbeeyntii Khan Mottaki ayaa ammaanay dadaalka iyo wada shaqaynta Dooxa, gaar ahaan dib u hawlgelinta Garoonka Diyaaradaha Kabul.