Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo guddoomiyey shirka guddiga maamul wanaaga ee maaliyadda (FGC)

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka billaha ah ee guddiga maamul wanaagga Maaliyadda oo maanta looga dooday sii wadida iyo horumarinta maamulka maaliyadda dad weynaha.

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiir Beyle ayaa uu ku yiri “ Maanta waxa aan shir Gudoomiyay kulankii Billaha ahaa ee Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo aan uga doodnay sii wadidda iyo Horumarinta Maamulka Maaliyadda Dad-Weynaha”

Wasiirka oo u mahadceliyey hey’addaha dowladda ee shirka ka soo qeybgalay ayaa sheegay inay ka go’an tahay ku dhaqanka hufnaan, dowlad wanag, isla xisaabtan iyo daahfurnaan.

“Hanaanka dib-uhabeynta Maaliyadda ee hada ka socda dalkeena waxa aan hoosta ka wada xariiqnay in ay naga go’an tahay ku dhaqanka ‘hufnaan, Dowlad-Wanaag, isla-Xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda ee XFS.