Wasiirka waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Safiirka midowga Yurub u jooga Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Wasiirka ayaa la wadaagay safiirka guulaha laga gaaray dadaalada horumarinta Waxbarashada oo ay wadaan Wasaaradda Waxbarashada, Bahwadaagta Waxbarashada iyo sida ay Wasaaradda uga go’an tahay inay xaqiijiso baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh, loona dhan yahay.

Safiirka ayaa dhankeeda uga mahad celisay wasiirka iyo guud ahaan Wasaaradda guulaha ay gaareen, kuna boorrisay inay sii labo jibbaaraan, waxayna sheegtay in Midowga Yurub uu xoogga saari doono xoojinta tayada waxbarashada iyo farsamada gacanta si loo horumariyo bulshada loona kobciyo dhaqaalaha dalka.