Ra’iisul Wasaare Rooble oo liiska musharaxiinta Gobollada Woqooyi ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee iyo Ra’iisul Wasaareku xigeenka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.