Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan looga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa Amaanka Hawada Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Kulan ay soo wada agaasimeen Madaxda Sare ee Hay’adda Duulista Rayidka (HDRS) iyo Shirkadda VALAR ayaa ka qabsoomay xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’dda, Axmed macalin Axmed.

Kulankan oo looga hadlayay sidii loogu horumarin laha Amaanka Hawada Soomaaliya (DEVELOPMENT OF THE NATIONAL CIVIL AVIATION SECURITY) aya labada dhinac si wada jir ah uga doodeen sidii Amaanka hawada Soomaaliya loo sii xoojin lahaa.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa waxay wadaa dadaalo lagu hormarinayo Hawada Dalkeenna Soomaaliya sidii ay u noqon lahayd mid amnigeeda sareeyo waana mida keentay in maanta laga hadlo Amniga hawada Soomaaliya.