Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo shaaciyey xiliga lagu dhawaaqayo Xukunka Dacwada Badda Soomaliya

Xukunka dacwada muranka Badda ee dhexaysay Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa si rasmi ah ay ugu dhawaaqi doontaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ 12-ka October  2021 sida uu xaqiijiyey Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

fariin kooban oo uu ku baahiyey bartiisa warfaafinta ayuu ku sheegay Ra’iisul wasaare-xigeenku iyadoo u qornad sidan, “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,”