Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Safiirka dalka Shiinaha u jooga Soomaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cusmaan Abokar Dubbe ayaa maanta wada -hadallo miro -dhal ah la yeeshay Danjiraha cusub ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, H.E Fei Shengchao, kulanka oo ka dhacay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho dhex martay Kooxaha Wasaaradda iyo Safaaradda, kor u qaadista iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjiraha Shiinaha, Fei Shengchao wuxuu caddeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu wadahadal miro dhal ah la yeesho Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo kooxdiisaba, isagoo xusay inuu isku dayi doono sida ugu wanaagsan ee kor loogu qaadayo xiriirka taariikhiga ah iyo midka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.