GEEDKA KA MAREERKA OO DAWO U AH JADEECADA.

Waxaa jira lix cudur oo dilaa ah waxaana ka mid ah jadeecada oo badiyaaba ku dhacda carruurta, waxaana lagu gartaa xummad ama qandho daran oo qabata carruurta, hammiga cuntada ayuuna cannugu lumiyaa waxaana ka luma dhadhanka cuntada.

Jadeecada ayaa dhibaato ku keenta haddii aan laga hortagin waxaana laga qaadi karaa indho beel. Inkastoo ay jiraan dawooyin loo isticmaalo dhanka dhaqaatiirta caafimaadka hadana waxaa la ogaaday geedka mareerka in uu yahay kan ku habboon on lagula tacaalo bukaanka ay jadeecadu haleeshay.

Ogow laamaha mareerka ayaa la diiraa , diirka laamaha ayaa lagu qasaa baaldi biyo ah habeenkii, kolka waagu baryo ayaa loogu  qubeeyaa ruuxa qaba cudurka jadeecada waana la cabsiiyaa in yar oo ka mid ah biyahaa.

Marka saddex maalmood sidaa la yeelo waa hubaal in ay ka soo baxdo gudaha laguna arko finan jirka ilmaha .

Waxaa ka jabta qandhada ilmihii yaraa ayaa lagu arkaa in uu kaco iskana ciyaaro halka markii hore uu jiifayey oo keliya.

Soomaalida waxay muddo fog isticmaali jireen dawo dhireedn sida kuwa lagu qaras baxo , diglow , carmal iyo raqay .Waxaa kale oo jiray adeegsiga gaar ah ee malmalka , xabbatul sowda , xildiid , liin dhanaan , diinsi , xulbo ,toon iyo malabka .

Hadaba waa sidoo kale geedka mareerka ee ha moogaan oo tijaabi waa mid la mahadiyo.

Ma ogtahay in daawada laga sameeyo dhirta oo la wershadeeyo sida burgaandada oo dacarta laga sameeyo.Waxaa jira ilaa immika dad aqoon wacan u leh dawo dhireedka oo xitaa lagu arko mehrado yar oo u furan.

Ka soo qaad malabka waxaa uu dawo u yahay afar cudur haddii maid asli ah oo aan wax kale lagu barxin waxaa hubaal ah marka aad farta darto oo aad muudsato in aad ka bogsooneyso cuduro isku ogeyn xitaa.

Sidaa darteed ha moogaanin xabatul sowda , malabka ,toonta iyo liin dhanaanta  , ogowna geedka mareerka in uu kaalin weyn ka qaato daweynta jadeecada.

WQ: Ibraahim Fanax