FAA’IIDO NOOCEE AH AYUU INOO LEEYAHAY MOOSKA.

Dalka Soomaaliya waa dal uu Alle (SWT)  ku manaystay nicmooyin badan oo nolosha Soomaaliya badan ay ku tiirsan yihiin.

Waxaad arkaysaa dhaqaalaha Soomaaliya in uu ku salaysan yahay ama ku tiirsan yahay waxyaabo farabadan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu ilaahay siiyay wadanka soomaaliya sida Xoolaha, Dhulbeereedka, Xeeb laga kalluumaysan karo iyo nimcooyinka dhulka ku aasan ee aan laga faa’iidaysan wali Sida: Birta, Dahabka, Uraniumka, Saliidda Shidaalka, iyo waxyaabo farabadan oo aan la soo koobi karin,

kuwaas ay ka mid yihiin dhul bilicsan oo dalxiiska ku wanaagsan sida dhulbaraha adduunka ee mara ee loo yaqaan EQUATERKA  ama Raas-kambooni meeshaas oo ah meel ay adduunkoo idil u soo dalxiis tagi karaan.

Sidoo kale, dhaqaalaha soomaaliya waxa uu ku salaysan yahay ama ku tiirsan yahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu ilaahay siiyay wadanka soomaaliya.

Dhanka beeraha, Soomaaliya waa dal ku wanaagsan beerashada,waxaana ka baxa intabadan miraha adduunka ku yaala sida Mooska la cuno.

Muusku wuxuu ka mid yahay miraha dalkeena Soomaaliya sida aadka ah uga baxa wuxuuna faa’iido badan u lee yahay caafimaadka ruuxa Aadamiga ah.

Beeralayda Soomaalida ayaa Mooska  u iibgeeya Dalka dibaddiisa ka dib marka umadda Soomaaliyeed ay ka helaan qidmad ku filan nolol malmeedkooda.

hadaba mooska maxaa faa’iido ay ugu leedahay nolasheena iyo caafimaad ahaan.

Mooska wuxuu ka mid yahay khudaarta ugu badan ee dalkeena laga helo, isla markaana qiimo ahaan ugu jaban.

Haddii aad ogaato faa’iidooyinka caafimaad ee mooska, waxaa hubaal ah inay isbeddeli doonto habka aad u aragto.

Cunidda moosku waxay kordhiyaa tayada faya-qab iyo caafimaad ee aadanaha Moosku waxa uu lee yahay tamar waxaana laga helaa maadada Potassium ka oo faa’iido weyn u leh caafimaadka.

Sdioo kale mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano “Tryptophan” oo maskaxda firfircooni siiso .

Waxaaba sidoo kale mooska waxaa laga helaa macdanno kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.

Mooska wuxuu dhisaa awoodda qofka. Cilmi-baaris ayaa xaqiijisay in 2 xabo oo muus ah inay ku siinayaan awood u dhiganta 90 daqiiqo oo shaqo adag ah.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in muusku uu yahay khudaarta kaalinta 1aad ugu jirta orod-yahannada ugu caansan adduunka.

Moosku wuxuu wax ka taraa inuu dhaqaajiyo caloosha, adigoo aan u baahan daawooyinka caloosha lagu socodsiiyo.

sidoo kale mooska waxa uu daawo u yahay  cudurrada ku dhaca dheef-shiidka maadaama uu jilcan yahay.

Moosku  wuxuu wax ka qabtaa aashitada ku badata caloosha, wuxuuna hoos u dhigaa xanuunka ku yimaada caloosha.

WQ:Abdinaasir Yuusuf Aadan