Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanada oo laga xusay Soomaaliya

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka K/Galbeed, howlwadeenada caafimadka iyo marti sharaf kale, ayaa ka qeybgaley xaflad ka dhacday Magaalada Beydhabo oo lagu maamuusaayey Xuska maalinta caalamiga ah ee badqabka Bukaanka.

Xafladdaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka K/Galbeed,waxaa ka hadlay Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cissman Cabdi Muuse oo ka warbixiyay muhiimada Wasaaradda Caafimaadka ay u leedahay xuska maalinta badqabka bukaanka .

Agaasimaha Waaxada Caafimaadka qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Naciima Axmed Cadow iyo Qaar kamid ah xubnaha Kashqeeya daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka ayaasidoo kale  Ka hadlay xaaladda bukaanada iyo sida loo daryeelo.

Munaasabadaasi ka dib qaar Kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska, waxay Booqasho kutageen Isbitaalka Guud ee Gobolka baay ayagoona U kuurgaley Badqabka Bukaanada isbitaalka Kujira .