Mareykanka oo Sheegay in Wadahadalada Vienna ay sii socon doonaan.

Kadib muddo uu  hakad ku jiray wada xaajoodkii Nukliyeerka ee bishii Abriil ee la soo dhaafay ka billowday Vienna una dhexeeya Iiraan, qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka iyo waliillo ka socday Maraykanka ayaa la xaqiijiyay in Mareykanka uu doonaya in la sii waddo wadahadallada.

“Waxaan la xiriirnay wakiiladda Dowladda Iiraan ee ku sugan Vienna, wadahadalladanna way sii socon doonaan,” ayay tiri Wakiilka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield, mar ay ka jawaabeysay  su’aal weriyaasha Jimcihii ay weydiyeen.

Wada xaajoodyada Nukliyeerka, ayaa soo bilawday bishii Abriil ee horaantii sanadkan, iyada oo ay jiraan caqabado hortaagan  muddeeynta waqtiga uu qabsoomaya wareegga toddobaad ee wada hadalada Nukliyeerka, inkasta oo Ruushka iyo qaar ka mid ah Waddamada reer Yurub ay gadaal ka riixayaan  in miiska wada hadalada  lagu soo noqdo.