Ra’iisal Wasaaraha XFS oo cambaareeyey Qaraxii argagixisadu la beegsadeen maqaaxi lagu shaaho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixisadu ku beegsadeen Maqaaxi shaaha lagu cabo.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii  maanta argagixisada Al-shabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan”.

Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.

Falkan bahalnimada ahi waxaa uu muujinayaa sida argagixisada Al-shabaab  ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada.

Source: Sonna