Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowga qabashada doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballan qaaday Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga in uu ka taageerayo sidii ay howshooda u gudan lahaayeen.