Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Moqdisho- IlayskaDalka: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u soo magacawday Soomaaliya, Mr. Fei Shengchao kaas oo ay kaga wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.