Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta bilawday ololaha qadashada tallaalka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadkaga Dawlada Gobaleedka Puntland ayaa maanta Deegaanada Puntland ka bilawday ololaha tallaalka COVID-19, waxaana ololaha uu socon doonaa Muddo10maalmood waxaana laga qaadanaya dhammaan  maalmood.

Xaflad lagu daahfurayay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee gobolka Nugaal waxaana ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka iyo midka Waxbarashada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Agaasime waaxeedka Caafimaadka asaasiga ah.

“Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdulallaahi Maxamed Xasan ayaa   xusay muhiimada tallaalka u leeyahay, Wasiirka ayaa Wasaaradda uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jirto inay tallaalka bulshada gaarsiiso intooda ugu badan aniga maanta waxaan qaadanayaa tallaalka Johnson & Johson oo aan doonayay inaan dalka Marykanka ka soo qaato masne ay dhicin waana ku faraxsanahay inaan maanta garowe ka qaadanayo,dadweynaha waxaan kula dar-daarmayaa  in tallaalka qaataan si naftaada iyo tan bulshadeena ubadbaadino.” Ayaa yiri Cabdulallaahi Maxamed Xasan

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo daahfuray tallaalka ayaa yiri.

“Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan markale ka daahfuray halkaan ololaha cusub oo dadkeena lagu tallaalayo Xanuunka COVID-19,  waxaa Puntland hal mar uu tallaalku ka bilaabi doono 63 gobood  oo ku yaalaa guud ahaan Puntland.

“Waxa kaliya ee nagu soo kordhay ayaa ah tallaalka Johnson & Johnson oo hal mar la qaadanayo kasoo laga soo saaray dalka maraykanka, waxaanse dadweynaha kula la wadaagayaa inaysan dadku ka fakarin tallaalkee ugu fiican ee tallaalkasta ee aad heshid inaad qaadatid si aad naftaadana u badbaadiso bulshada kalena uga ilaalisid.”

“Waxaan dadweynaha kula dardaarmayaa inay tallaalka qaataan,waxaan sidoo kale xusayaa xogta aan helnay dadka xanuunka udhintay 3 bilood ee la soo dhaafay inay ahayeen kuwa aan la tallaalin.”

“Waxaan ugu danbeyn uga mahadcelinayaa shaqaalaha Caafimaadka ee maanta ololahan bilawday ka shaqaynaya waxaana Allaha uga baryayaa sida naf hurka ah ee ay bulshadooda ugu adeegayaan inuu ka abaalmariyo” Ayuu yiri  Dr Jamac Faarax Xasan