Xiriirka Kubbada cagta Soomaaliyeed oo kaa -shanaya Wasaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, xiriirka Kubadda Cagta Galmudug iyo xiriirada Degmooyinka oo tababar u qabtay 25 garsoore iyo 12 macalin

Maxamed nuur maxamed gudoomiyaha ururka Sports-ka Dhuusamareeb iyo Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow duqa Dhuusamareeb oo ugu horeyn ka waramay daah furka tababarkan ayaa u mahad celiyay dhinacyada kaalinta ka geystay qaban-qaabada iyo qabsoomida howshan.

Xassan Axmed Shirre, Gudoomiyaha xiriirka kubbada Cagta Galmudug iyo Xuseen maxamud jimcaale ( abkow) Lataliyaha xaga arimaha gobolada ee xiriirka kubadda ee kubada cagta Soomaaliya ayaa iyana dhalinyarada ka faa’iideysanaysa tababarkan kula dardaarmey in aqoonta lasiinayo ay dib ugu celiyaan degmooyinka ay ka yimaadeen.

Axmed faafaale Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Galmudug ayaa isla goobta tababarka ka balan qaadey in wasaraddu bixin doonto taageero kasta oo dhanka Caafimaadka ah mudada uu socdo horyaalka degmooyinka Galmudug ee bilaabmaya.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, mahad Cali Cibaar oo tababarka si rasmi ah u furay ayaa rajo badan ka muujiyey in diyaarinta garsoorayaasha iyo macalimiintani kordhin doonto hormarada lafilayo in laga gaaro soo saarista ciyaarahano wax tar u leh dalka oo dhan.