Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Momamed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.