Ciidanka Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellah dhexe

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka,ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay ,deegaano ka kala tirsan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,kuwaas oo ay ku dhimaaleysanayeen haraadiga kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Gamboole ,ceeldheere macalin ,jameeco jiliyaale,Masiirey,Boqon Gandhi, oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha dhexe,kumaandooska Danab ay ku guuleysteen in ay burburiyaan saldhigyadii kooxdu Argagixisada ay ku lahyed.

Sidoo kale Ciidamada oo ku raad joogay firxadka nabdiidka ayaa gaaray deegaanka Fiidow oo kala qeybiyaha gobalada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyada.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka marki ay gacanta ku dhigeen deegaanadaasi,waxaa ay baaritaano ku sameeyeen guryaha ,gaadiidka iyo wadooyinka,si looga nadiifiyo ,miinooyinka ay codowgu ku dhagrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ururka 7aad guutada 16aad ee kumaandooska Danab Gashanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in intii ay howlagaladu socdeen ay gacanta ku dhigeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ,iyo hubkii ay wateen,islamarkaana caddaaladda la horkeeni doono.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen ,gobalada Shabeelooyinka ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Nabdiidka ah ee Al-shabaab,waxaana ay ciidanka ay guluf xooggan ugu jiraan sii dalka looga saari lahaa ,kooxaha Argagixisada ah Al-shabaab.

Source: Sonna