Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo xarumaha waxbarashada ee Mu’asasada Amal gaarsiiyay agabka looga hor tago cudurka coronavirus si loo xakameeyo faafitaanka feyraska.

Agaasimaha waaxda sharciyada ee wasaaradda Haweenka, Faadumo Maxamed Cali, ayaa agabkan isugu jiran af-xirka iyo dareeriyaasha jeermiska lagu dilo ku wareejisay maamulka xarunta.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo kaashanaysa xafiiska hey’adda UNICEF Somalia ayaa ololaha wacyigelinta safmarka COVID-19 ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Ololahaas oo isugu jirey gaarsiinta agabka hor tagga cudurka ee goobaha waxbarashada, wacyigelinta qaadashada tallaalka COVID-19 iyo boorar waa weyn oo la surey waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.