Xog laga helay Duqeeyntii Ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Afgaanistaan

Wargeyska The New York Times ayaa Jimcihii shalay daabacday war ka hor imaanaya warbixintii Ciidamada Mareykanka ee ku saabsaneed duqeyntii dhawaan ay ka fuliyeen Afgaanistaan ka hor ka bixitaankoodii.

29-Bishii Ogosto Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah la beegsaday gaari lasheegay in walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Kooxda Daacish, kuwaa oo doonayay inay ku qarxisyaan Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Qoyska darawalkii waday  Gaariga la qarxiyay,  ayaa u sheegay Wakaaladda wararka AFP, maalin kadib duqeynta, inay ku dhinteen 10 qof oo u badan Carruur.

Wargayska The New York Times, ayaa warbixintiisa  ku saleeyay Waraysiyo iyo Sawirro ay qaadeen kaamirooyinka wax ilaaliya.

New York Times ayaa sidoo kale tilmaamtay, iyada oo soo xiganeeysa kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, in  baabuurka la duqeeyay ay Ciidamada ka shakiyeen, balse ay saarnayeen dad Rayid ah.

Wargeysku wuxuu sidoo kale Su’aalo ka keenay, Waraysiyo uu la yeeshay dad khubaro ah, kuwaa oo sheegay in sheegashada Ciidamada Mareykanka ay tahay waxba kama jiraan.

Dhanka kale Ciidamada Mareykanka ayaa wali  ku adkeysanaya in duqeynta ay u geeysteen Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la damacsanaa in lagu weeraro Garoonka Diyaaradaha Kabul.