Amaanka magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay.

Amaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ka soo galaya Hirshabeelle.

Ciidanka Booliiska ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Doorashada Xubnaha Aqalka sare ayaa loo asteeyay beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 12,September 2021, in musharaxiinta ay hadaladooda u jeediyaan Xildhibaannada Hirshabeelle.

Madaxda Hirshabeelle ayaa laamaha amniga ku amray in sare loo qaado amaanka Magaalada Jowhar inta ay socoto doorashada.