Taliyaha Ciidanka Difaaca Aaga Golis ee Puntland oo kor-meeray fariisimaha ciidamada difaaca Puntland.

Taliyaha Ciidamada difaaca Maamul-goboleedka Puntland ee silsilada Golis G/Sare Saciid Nuur Shire ayaa kormeeray fariisimaha iyo goobaha kale ee shaqo ee ay ku sugan-yihiin ciidamada ee buuralayda silsilada Golis.

Taliyaha ayaa u u kuur-gallay habka ay shaqadu u socoto iyo dadaalada ay ciidamadu ku sifaynayaan haraadigga kooxaha burcad-diimeedka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraha silsilada Golis.

Taliyaha ayaa warbixino ka dhagaystay saraakiisha ciidanka hogaaminaysa, waxa ayna la wadaageen guulaha ay ka gaareen la dagaalanka kooxahaas, goobaha ay ciidamada gacanta ku dhigeen maalmihii lasoo dhaafay iyo hawl-galadda kale ee qorshaysan.

Taliye Saciid ayaa ku dhiiri-geliyay ciidanka hawsha adag ee ay hayaan iyo waajibaadka qaran ee ay gudanayaan.

Dhanka kale waxa uu Taliyaha Tilmaamay in Ciidanka Puntland ee silsilada Golis ku sugan ay ka go’antahay soo af-jaridda tirada kooban ee ka hartay kooxaha burcad-diimeedka.