Danjire Cawaale Cali Kulane” Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in hishiis dhanka beeraha ah la saxiixato dalka Shiinaha

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay heshiis dhanka Beeraha ah oo ay la gasho dowladda Shiinaha, lana xoojiyo iskaashiga wax soo saarka labada dal.

Safiir Cawaale oo qudbad ka jeediyay (THE INTERNATIONAL CONFERENCE ON FOOD LOSS AND WASTE) Shirka Caalamiga ee cunada qasaarta oo ay ka qayb galeen wasiirrada beeraha dalalka Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska ayaa sheegay in Shiinahu yahay dal aad ugu horumaray dhanka Beeraha ayna Soomaaliya wax badan uga faa’ideyn karto.

Danjire Cawaale Cali Kulane oo fogaan arag uga qayb galayay shirka wuxuu mahadnaqay Wasaaradda Beeraha ee Shiinaha qabsoomidda shirkan, isagoo khudbadiisa wuxuu ku sheegay “in dunida tobankii qofba mid uu nafaqo darro haysato, in ka badan saddex-meeloodna meel dadka adduunka aysan awoodi  karin in ay helaan cunto caafimaad leh, sababtana ma aha cunto yari ee waa cunno qasaartay”.

“Khasaaraha cuntada dalalka horumaraya waxay gaarayaan qiyaastii 680 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah, halka dalalka soo korayana waxaa ay garayaan 310 Bilyan oo dollar, lacagtan khasaartay haddii la badbaadiyo waxaa loo isticmaali kari lahaa in kor loogu qaado tayada dalalka soo korayo”.ayuu yiri safiirku.

Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa sidoo kale xusay horumarka ay dowladda Shiinaha ka sameysay yareynta cuntada khasaarta isagoo soo hadal qaaday in Soomaaliya iyo Shiinaha hadda ka hor ay iska kaashadeen dhanka beeraha sidii soomaaliya loogu abuuri lahaa bariiska dalkeenna Soomaaliya.

Xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah mid soo jireen ah oo dhinacyo badan ah sida waxbarashada, ganacsiga, beeraha, hawada iyo kuwa kale.