MAXAA KA HORTAAGAN DHALINTA SOOMAALIYEED INAY BEERAHA TACBADAAN

Waan ognahay Dal walba dhallinyaradiisa  ayaa dhisa dhan kastaba ha ahaate Beeruhu waxay ka mid yihiin waxayabaha daruuriga u ah nolasha asaasiga ee bini aadanka.Sidaas oo ay tahay dadkenu kuma dhiirana dhinaca wax soo saarka beerahaSidoo kale, waxaa la shegaa in wadankena ay ka jiryo shaqo la aan baahsan taso samayn ku leh dhalin yaradda wax baratay iyo kuwaan waxba baran.

Haddaba waa maxay waxa ka hortagan dhalinteenu inay qabtaan shaqoyinki aan asalka u lahayn oo ahayd beerashada dalaga iyo dhaqashada xoolaha, kalluumaysiga iyo qaar kalo badan, waliba anago wadankeena lagu tilmaamo mid  cimiladiisu aad ugu wanagsan tahay bershadiisa, Ciidisuna u nugushahay beerashada qudaaarta kala duwan iyo cuntooyin qutul daruuriga u ah bahiyaheena, taaso aan wada aminsannahay in maanta qiimaheedu yahay mid aad u sareeya.

U xanqaltaagga dalalka shisheeye ka sokow dhallinyarada waxaa ka hortaagan beeraha kooxo dhallinyarada ka kaxeeya beeraha kuna jiheeya qori iyo waxyaabo kale oo aan waxtar u laheyn noloshooda kana hor istaagaya mustaqbalkooda.

Sabab u tahay beeraha waddankeena oo tiro ahaan anan daboli karin baahida guud ee dalka qalabka beeralayda oo an ahayn mid casriya kaaso sahlaya in ay so saaran dalag ku filan wadanka dhalinteeni oo intoodi badnayd  aanay u firfircoonayn  ka shaqaynta iyo hormarinta beeraha.

Haddaba, waxaan dhihi karnaa dal walba dadkisa dhisa oo hormariya dhan kastaba wa inay dhalinteenu ka faa’iidaysataan abuurka beeraha iyo xirfad kasto ay maanta furasadi ka banaan tahay taaso ay ayaguna ay ku hormarin karaan naftodda, kana samayn karaan dhaqaale ay ku kalmeyaan qoysaskoda

Sido kal,e saamaynta aseendooyin casri ah oo lagu xanaaneeyo xoolaha noocyadooda kala duwan  kuwaas oo laga faa’iideeyo bulshada, caano nadiifa  ama subag ayay dhalintu ka samayn karaan horumar.

waxaan oran karnaa waxbana uguma bahnin ku nolaanshaha waddan shisheeye oo an ahayn kan aan u dhalanay,  kan ayaan hormarin karnaa haddii aan muruq iyo maskax isku biirino, kan ayaan noga wanaagsan.

Waxaa wax lagu farxo ah ilaa hadda inay jiraan dhalinyaro fara ku tiris ah kuwaaso abuur cusub ku soo kordhiyay wadanka waxayna mudan yihiin hambalyayn iyo amaaan.

WQ: Sowda Ali Omar (Rajina)