RAJO IYO YIDIDIILO WANAAGSAN OO KA MUUQATA DALXIISKA SOOMAALIYA

Dadka Soomaliyeed waxay soo fahmayaan muhiimadda dalxiiska, iyadoo dhallinyarada soomaaliyeed ay ka muuqato rajo ah in dib loo soo celin karo dalxiiska iyo goobihii qurxoonaa ee dalku lahaa ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Haatan magaalada Muqdisho maalmaha fasaxa iyo Jimceyaasha waxaa la arkaa dhallinyaro isku ballansaneysa goobaha dalxiiska ee sameysmay iyo kuwa dabiiciga ee dalku leeyahay sida xeebaha Liido iyo Jazeera oo maalamahaa dadku soo buux dhaafiyaan si ay waqti ugu qaataan.

Waxaa jira goobo dalxiis oo sameysmay iyo degaano loo dalxiis tago sida Dayniile iyo Daarusalamaan oo dadku waqti farxad leh ku qaataan xilligooda faraaqada taas oo dadka siiba kuwa dhallinyarada galisa rajo in dalkooda quruxdiisa iyo wanaagiisa ay dib u soo laabaneyso.

Sidoo kalena caasimadda waxaa ka sameysmay hoteelo iyo baarar lagu qaxweeyo oo iyana bilicda iyo dalxiiska qeyb ka ah isla markaana dadku waqti ku qaataan .

Xitaa gobolada dalka xaatan waxaa ka jira goobo loo dalxiis tago iyo shirkado ka shaqeeya dalxiis geynta dadka si jiilaalka dhallinyarada ah loo baro wanaagga iyo quruxda dalka ayna ugu il doogsadaan goobaha qurxoon.

Dalxiiskaa soo noqonaya ee rajada weyn abuuraya niyadda dadkana soo celinaya waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado oo waxyaabaha gacanta ka geysanaya lagu daddaalo in loo helo.

Dalxiis waxaa uu u baahan yahay ammaan taasna waa mid saaran hey’adaha ammaanka dalka in ay ku dadaalaan in amniga si weyn loo sugo si mustaqbalka ay u suurtagasho in soomaalida gudaha ku nool ka sokow ay ajaaniibtu ugu soo dhiirran lahaayeen in ay soo dalxiis tagaan Soomaaliya .

Sidoo kalena waxaa habboon in dib loo soo nooleeyo goobihii dalku lahaa ee caanka ku ahaa dalxiiska sida Waamo iyo degaanka Sambuusi oo xilligii berisamaadka ahaa goobaha loo dalxiis tago ee dalka .

Adeeggii dalxiiska sida hoteeladii caanka ahaa ee Jubba ay ka mid aheyd ayaa iyana u baaahan dib us oo nooleyn iyo dib u soo yagleelidda kaadirkii dalxiiska ee dalku lahaa iyadoo laga duulayo dib u xoojinta howlihii ay qaban jirtay waaxda dalxiiska u gaarka aheyd .

Waxaa habboon hirgalinta hannaan lagu xayeysiinayo dalxiiska dalka waayo dalxiisku waa adeeg u baahan xayesiin iyo soo jiidasho in loo sameeyo iyadoo lagu dadaadalayo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan dalxiiska oo ay ugu horreyso waxa laga aaminsan yahay Soomaaliya oo ah in ay tahay dal aan loo daxiis tagi taasna waxay ku imaan kartaa xaaladda amni ee dalka oo isbedel muuqda lagu sameeyo.

Rajada dalxiiska durba waxaa laga dheehan karaa warbixinada ajaanib warfidiyeen ah oo dalka yimid iyo muuqaalka ay ka bixiyeen iayagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay meel la booqan karo oo lagu dalxiisi karo taas oo u baahan in lagu sii dhiirado .

WQ: Mohamed Hassan