RUN BAA REER LAGU DHAQAA

Mar haddii la doonayo in dhidibka loo taago qoys wuxuu ka bilowdaa heshiiska ugu horreeya ee gabadha iyo wiilka.

Wuxuu heshiiskaasi ka bilowdaa damac jaceyl iyo aragti ama aqoon deris iyo waxbarasho la iksu bartay .

Sida Soomaalida wiilka ayaa bilaaba daandaansiga iyo shukaansiga waana mas’uulka doonaya xilka qoyska in uu qaado.

Ma habboona marka in been la isu sheego lana sheegto daaro iyo xoolo aan la heysan sida badanaaba ka timaada wiilasha .

Sida la og yahay haddii qalad yimaado badanaa wuxuu ka yimaadaa wiilasha waxaana mahmaah qalad ah u sameeyey odayaashii hore ee soomaalida taas oo wiilasha ay ka dhigtaan tixraar iyo daliil ay wax ku soo xero galiyaan waxayna ka mid tahay maahmaahdan waxyaabaha hadhow dhibaatada u keena ee la isku afgaran waayo.

Gabadha haddii been loo sheego oo loo sheego dahab iyo barwaaqo iyo adduun waxay kaa sugeysaa wixii aad ka ballanqaaday waxaana aad u kala fog gabdhihii beenta loo sheegi jiray iyo kuwa hadda jooga waxayna gabdhaha hore ahaayeen kuwo haddii been loo sheego oo la soo xero galiyo waxay ahaayeen kuwo ku dhiirada dhaqanka markaas ay arkaan iyo wixii hanti ah oo ay helaan waxayna meel iska dhigi jireeb hanqaltaagga iyo beenta loo sheegay.

Waxay  ahaayeen kuwo aad u xishooda kana xishooda qoyskii la keenay in ay burburiyaan waxayna ku mahmaahi jireen gabdhahaas Meesha aad ku qoydo waa lagu qallaalsadaa.

Raggii ay la soo ballantay ayey ka xishon jirtay wanaaggi iyo heshiiskii dhexmaray in ay dib uga noqoto waxayna hablahaas xoogga saari jireen in ay abuuraan wanaag iyo kalgacal xoolo lagu helo mana laheyn muran iyo afnaq qoysku isaga hor yiimaado ee waxay ahaayeen kuwo waxay qabaanba reerkooda ku dhaqda oo maradooda la huwadasi aan looga dareemin waxa ka dhex guuxaya inkastoo qalbiga ay uga taagan tahay beentii loo soo sheegay ilaa ay raas weyn ka noqoto.

Qarniyadan aan haatan ku jirto wey ka duwan yihiin xaaladdaas waxaadna moodeysaa in ay isku mar yihiin qosolka iyo  ooyinta, faraxadd iyo murugada, naceybka iyo is jaceylka waxaana taas keenaysa gabdhahan dambe aqoon ayey u leeyihiin ballantu muslimka halka ay ka taagan tahay .

Waxaa kale oo ay cabbirayaan maadaama ay aqoon leeyihiin ninka been ku bilaabay reekii iyagoo aan weli is baran in aan wax wanaag ah ka soo socon, sidaas ayey qalbiga galiyaan.

Gabdhaha laftigooda sheekada hore ee jaceylka la isla jilayo qaar baa tusa wiilasha soo jiidasho iyo dhaqan wanaag, hadal macaan oo wiilka qalbigiisa koollo ku noqda.

Wax badan ayey baraha bulshada ka daadihiyaan inta aan la is baran marka uu jaceylkaa la suuxo wiilka ayaa isagoo kabaabyeysan oo aan miyir lahyn ayaa heshiis dhab ah iyo meher la galaa iyadoo loo marayo meelihii sharciga aha aiyo qoysaska labada dhinac.

Iyadoo qarasha aad u badan u uku baxay guurkii iyo is barashadii oo weliba qarashkaa lagu bixiyey hoteelo iyo meelo kale marka dhaqanka runta ah la guda galo oo guri la tago qof waliba wuxuu la soo baxaa geeso aan midka kale ku ogeyn ka dibna geesahaas ayaa la isku hertiyaa .

Awal aqoon fiican la isuma laheyn runna la isuma sheegin labada qof waxaa loo yaabaa ka dib oo aad looga naxayaa labadii jaceylkooda lala yaabanaa ee baraha bulshada laga daawaday toddobaad ka dib waxaad maqleysaa waa is fureen reerkii.

Sidaa darteed waxaa habboon in reerka run lagu dhiso runtana lagu dhaqo ragga iyo haweenkaba run baa reer lagu dhaqaa , beeni raad ma leh.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre