DADKA IYO DALKA MAXAA U DAN AH?

Shaqsi ahaan adiga maxay tahay dantaada?

Way iska caddahay oo waxaad daneyneysaa in aad hesho nabad , degenaansho iyo nolol macaan oo aad ku noolaato kuna hesho dalkaaga .

Sidoo kale waa dhab in aad jeceshahay in hesho fursad aad wax ku barato, aqoon ku yeelato kuna hanato xirfad aad ku shaqeysan karto oo aad nolol mustaqbalka ku dhisan karto , carruur iyo lammaane nololeed ku aaasaasi karto.

Fursadahaa oo dhan waxay ka imaanayaan dalkaaga oo hagaaga kana soo jeesta khilaaf iyo isqabqabsi kuna tallaabsada sidii lagu gaari lahaa horumar lagu hiigsan karo caalamka hawada sare gaaray.

Dantu kuma jirto ku sii jirista khilaafka dalka iyo dadka sidaan ugalay ee dhigay meesha aad haatan arkeyso ee ay adkaatay in laga soo celiyo waana tan keentay in dad badan maanta ku halqabsadaan DALKA MEEL FOG BAA LAGA KEENAY.

Waa run dalka meel fog buu gaaray oo ay xumaanta dhaceysay gaarsiisay haatana rajada waxay na tustay in xoogaa aan soo celinay oo soo yara dhaweynay laakin weli FAANOOLE FARI KAMA QODNA oo ma aanan keenin dalka meeshii loo baahnaa.

Dalka si loogu daneeyo oo loogu turo waa in shacabka loo turaa iyaga ay gartaan halka dantooda iyo danta dalkaba ku jirto waayo taas haddii la waayo waxba ma hagaagayaan oo maalin walba meeshii iyo meel ka dheer ayaan taagan nahay.

Danta dalka iyo dadka midna kuma jirto in laga shaqeeyo khilaaf iyo colaad aan dhammaan ee waxay ku jirtaa MAXAA NOO DAN AH waayo dantiisa qofkii garan waaya wax faa’ido ah ma helo DANTIIS MOOGE MARA DUUG AH KA HOR AYUU DHAMMAADA ayaana la yiraahdaa.

U hiili danta dalkaaga kana hor mari wax walba hana ku fekerin in dantaada gaarka ah aad ka hor mariso danta dalka iyo dadka waayo adigu waxaad wax ku tahay dadka iyo dalka la’aantoodna waxba ma noqon kartid.

Ha duminta danta guud hana dhaafsan danta dalka iyo dalka wax yar ha ahaato mid shisheeye ku siiyo ama mid uu wato daneyste aan ogeyn waxa ay tahay danta qaranka iyo tan dadka uu ka dhashay.

Ogow dalka iyo dadka waxaa dan u ah midnimo , wadajir , iskaashi iyo in aan cadowga meel uga soo wada jeesano kana shaqeyno wanaageenna iyo isku duubnideenna.

WQ: Mohamed Hassan