AMMAANO CIRKA IYO DHULKA AYAA DIIDAY

Ilaahay mulkigiisa isagoo maareyn kara keligiis cid kalena aan u baahneyn ayuu maqluukhiisa siiyey is maamul iyo isku filnaansho wuxuuna u dhiibay mid kasta mas’uuliyad.

Ammaanada waxaa ka mid ah mas’uuliyadahaas oo loo soo bandhigay in ay qaadaan Ilaahay maqluukhiisa qeybo ka mid ah, waxaana si Alle ka cabsi ah u diiday cirka iyo dhulka iyagoo ka baqaya culeyskeeda.

Ammaanadaa culeyskaa leh waxaa xambaaray ilmo Nebi Aadam sidaas ayeyna ku noqdeen hoggaankii adduunyada iyo weliba imaamada kheyrka badnaa ee Rususha ka mid ahaayeen iyadoo mid walba loo dhiibay in ku filan mas’uuliyadda waxaana ka mid ah ballamaha la galayo taas oo ah qeyb ka mid ah ammaanada oo u baahan in la fuliyo xaqeeda waxaa kale oo barbar socda xilalka kala duwan oo ka bilowda qoyska odayga iyo islaantiisa ay madaxda u yihiin waana mid loo baahan yahay in ay u fuliyaan si daacad ah mid walba.

Dhowrista ammaanada waxay keentaa geesinimo iyo is jaceyl qofku hadduu ammanada dhowro ma cabsado Ilaahay wixii ka soo haray waayo wuxuu hayaa wixii lagu ballamay sidii loogu talogalay ayuu u hayaa mana ka cabsanayo cid been ka sheegta iyo cid run ka sheegta midna sababtoo ah waddo toosan ayuu hayaa meesha ay tagtana wuu yaqaanaa.

Qofka ammaano dhowrka ah ummadda oo dhan ayaa u dhiibata waxooda waxayna ku wada kalsoon yihiin wixii loo dhiibay in ayasan ceeb ka imaanyn maadaama uu yahay qof ammaanada ku fiican waxaana si aad ah loo ceebeeyaa oo laga cararaa qofka ammaano lumiska ah sababtoo ah wuxuu maqlayaa ammaanadii hore ayuu cunay iyo xaqii lagu lahaa Bulshada oo dhan ayaana isu wada sheegta mar haddii ay maqlaan ummaddu waa ammaano cune kulligood wey ka cararaan waxna uma dhiibtaan.

Bulsho kasta oo magac leh axay soo xushaan dadka ammaanada ku fiican oo diinta leh gaar ahaan kuwa muslimka ahi waxay u hoggaansamaan qofba qofka inta uu ka caddaalad badan yahay ammaano dhowrkuna waa caddaalad .

Ilaalinta Bulshada waxaa ka mid ah samafalka , xaqdhowrka , garsoorka ,kulligoodna waxay hoos tagaan dhowrista amaanada wax macno ahana ma keeneyso in aad wax doonto oo xil lagu saaro haddii aad ilaalin Karin ammaanada .

Ballamaha oo la fuliyo ,sinaanta iyo eex la’aanta waxay ka mid yihiin garsoorka iyo wanaagga lagu soo xusho qofka mas’uulka ah mas’uuliyadana kor iyo hoos , qoys ilaa madaxweyne waa mid u baahan in la ilaaliyo .

Ammaanada haddii la waayo waxaa lumaya wadajirka iyo kalsoonida , midnimada iyo wadajirkuna waa dhowrista ammanada iyo caddaaladda

WQ: Abwaan Gabayre