LABAATAN JIR LA MOODO LIXDAN JIR

Labaatan jirka waqtigaan dhallinyarada ah iyo lixdan jirka waxa ay kasiman yihiin tima la’aanta loo yaqaan bidaarta, taasoo dhaqan ahaan aan ubaranay in ay ku timaado dadka da’dooda 40-ka ay ka sareeyso.

Dhallinyarada haatan jirta ayaa aad uga cabanaya tima go’go’ oo u muuqata sida bidaarta ilaa ugu dambeyn ay kor ka dhamaadaan timaha. Waxaan la maleyn karin wiil dhallinyara ah oo sida oday ay timaha ka bideen ama haddaan si kale u dhigo bidar leh waana waxa dhallinyarada ay haatan ka duulayaan.

Bidaarta oo aan ceeb aheyn marka ay oday ku taal ayeey dhallintu qabaan in ay ka duwan tahay marka wiil yar ay ku taalo, waxaana marwalba u caada ah wiilka ay timaha ka gurmaan in uu koofiyad xirto si ugu yaraan uu dadka kale uga qariyo.

In timaha ay ka gurmaan wiil dhallinyara ah oo aan da’dii bidaarta gaarin ayaa waxaa sabab u noqon kara nafaqa-darada iyo in qofkii uu daryeelin timaha sida ay bahda caafimaadka qabaan.

Sanadihii u dambeeyay waxaa kordhay tirada dhallinyarada ka cabanaya tima gurranka, waxa ayna marwalba sameeyaan talaabo ay kaga hortagayaan in timaha ka ay ka daataan ama ka dhamaadaan iyaga oo xal u raadinaya sidi ay timahooda usoo ceshan lahaayeen.

Dhallinyarada oo ka duulaya tima la’aanta ayaa qaar kamid ah waxa ay bilaabeen in ay dib u dhistaan timahooda iyaga oo kaashanaya shirikado timaha abuura ama farsamo kale oo ka caawineeysa in timaha ay dib u yeeshaan.

Bidaarta waxa ay caan ku aheyd dadka da’da ah ama duqowshada, balse marka ay dhalinta tima ka guan ayaanan la garaneyn wax lagu macneeyo ama loogu yeero islamarkaana aan aheyn tan bidaarta loo yaqaan oo dhaqan ahaan ugu baranay aabayaasheen iyo awoowyaal.

Dhallinta waxa ay aad uga cabanayaan tima gurranka taasoo ay kaga sii daran tahay midkii ay timaha ka gurmaan in loogu yeero “bidaar” iyagoo wali dhallinyara ah waxayna arintaa kaga jiraan gambad iyagoo aanan soo bandhigin marka ay tima ka gurmaan ama ay ka daataaan.

Arrintaan oo sanadihii u dambeeyay soo ifbaxday ayaa caqabad weyn ku ah dhallinyarada Soomaaliyeed oo iyaga aan bidaar gaarin ay sida qof bidaar leh tima ka dhamaadaan.

Qaabka ay kaga gaashaaman karaan in timaha ay ka gurmaan dhallinyarada ayaa lagu sifeeyaa in Cunto nafaqo leh ay cunaan mararka qaarna mid ka duwan cuntada guriga ay cunaan sidoo kale ay cunaan miraha asalka ah ee dalka sida Cambe, Babaay, Moos, liimo iyo miraha kale ee nafaqada leh iyo wax walba oo vitamin leh ayaa daawo u noqon kara in tima ay ka gurmaan qof dhallinyarada ah.

 

WQ: Xuseen Xaaji Xasan (Shadoor)