Xal laga gaaray dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Xabad joojin hordhac ah ayaa laga gaaray dagaalo culus ka dhacay deeganada Kabxanleey iyo Deefoow ee waqoyiga Magaalada Beledweyne.

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka oo gaaray deegaanka Kabxanleey ayaa xal Hordhac ah ka gaaray Xiisadahaasi, Waxaana Amaanka Deegaanka Kabxanleey lagu wareejiyay inta xal kama dambeys ah laga gaarayo Ciidamada Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Militariga xoogga dalka.

Source: Sonna