Turkiga oo badbaadiyay 95 ruux oo magangalyo doon ah

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay 95 ruuuc oo magangalyo doon ah, kadib markii Ilaalada Xeebaha Giriigga ay si qasab ah dib ugu soo celiyeen biyaha badda Turkiga ee Aegean Sea,sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo soo baxay manta.

Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyey 21 magangalyo doon ah oo ku jiray biyaha badda ee Aegean,halka 74 muhaajiriin oo kale laga soo badbaadiyay degmada Foca ee gobolka Izmir, kadib markii ay dib u soo celiyeen Ilaalada Xeebaha Giriigga.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u helaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo cadaadiska.

Turkiga, waxa uu horey u martigeliyay 4 milyan oo qaxooti ah, axaana xilligaan dal kasta uu ilaalo ka hayaa xuduudihiisa, si looga hortago qulqulka muhaajiriinta cusub.