Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo kulan la qaatay Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Qaxootiga Adduunka

Ku simaha madaxwaynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Suldaan Cabdiqaadir Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Qaxootiga Adduunka ee marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa ka mid ahaa Wasiiradii ka qayb-galay Shirkan looga hadlayey dadka laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga ee ku sugan Jubbaland.

Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse ayaa ballan qaaday in uu wax badan ka badali doono Waxbarashada, Caafimaadka, is-dhexgalka iyo dhammaan adeegyada ay u baahanyihiin dadka laga soo celiyay xeryaha Qaxootiga iyo kuwa haddaba la qorsheynaayo in lagu soo celiyo Soomaaliya, Gaar ahaana Jubbaland.