Ra’iisul wasaare Rooble oo faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida inay baaris deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir inay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.