XIISO BADAN LOOMA QABO XOG HADDAY BANNAAN TAAL

Waa hubaa haddii si Fiican loo fahmo ujeedada cinwaankeyga in ay wax badan iska beddeli doonaan sida ay hadda wax u jiraan marka loo fiiriyo.

Marka ugu horreysa Askariga Soomaaliyeed, wuxuu ka mid yahay astaamaha qaranka wuxuuna huwan yahay sharafta iyo karaamada ummadda soomaaliyeed, waana midka ku labisan direeska iyo tuutaha isteellada lagu camiray

Guud ahaan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed taariikh ahaan haddii dib loo raaco waxay ku asteysan yihiin geesinimo, waxayna ahaayeen ciidan xoog badan oo ka dhameystiran dhan walba oo laga eego, gaar ahaan dhanka haybadda iyo asluubta.

Waxay ahaayeen kuwa fuliya awaamiirta madaxdooda, waxayna ka dhabeeyeen dhammaan dhaartii iyo wacadkii ay ku mareen in ay dalkan ka difaaci doonaan cadawga gudaha iyo dibadda, waxayna mudan yihiin ammaan aan la soo koobi Karin kuwa hadda jooga iyo kuwii horeba.

Sida taariikhdu xusaysana ciidammada geesiyaasha soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwa u dhega nugul shacabkooda, cadowgana dhegta dhiigga u dara, cashar lama iloobaanna ahna u dhiga cid kasta oo ku soo gardaroota ama kusoo xad-gudubta geyiga soomaaliya bad iyo berriba.

Ciidammada qalabka sida ee soomaaliya waxaa loo yaqaannay libaaxyada geeska afrika, waxaana laga yaqiin dhammaan adduunka gaar ahaanna Afrika iyo geeskaba.

Waxay ahaayeen kuwii ay afrikada modow dhamaanteed ku faani jireen kana heybaysan jireen, waxay ahaayeen garab ay ku tashadaan, mana aysan ka gaabin jirin ciidammadeennu inay garab siiyaan dowlad walba oo u baahan in la gacan qabto run ahaantiina maanta waxaa jira kuwo badan oo abaalkaas noo haya.

Haddaba ujeedka aan ka leeyahay maqaalkeyga wuxuu ku saleysan yahay Wacyigelinta Ciidammada qalabka sida ee soomaaliyeed, guud ahaan, gaar ahaan ciidammada xoogga dalka soomaaliyeed.

Haddaan dib u fiiriyo Ciidammadeennu waxay la haayeen waxa loo yaqaan Dishibiliin, Xeerar Sharci iyo kala dambeyn u gaar ah oo lagu hagi jiray ama lagu dhaqi jiray, waxaa sidoo kale jiray anshax iyo kala dambeyn ciidan oo aad u sarreeya, waxayna caan ku ahaayeen asluub iyo dishibiliinka wanaagsan.

Ciidammadeennu waxay lahaayeen tababar ciidan oo buuxa, waxayna aqoontooda iyo tababarradooda ciidan gaarsiisneyd heerarka ugu sarreeya caalamka, waxayna tababarradooda ku soo kala qaadan jireen dalalka Yurub iyo qaar ka mid ah Carabta, gaar ahaanna Midowgii Sofiyeeti iyo Masar halka maantana ay ku soo qaataan dalka aan walaalaha nahay ee turkiga iyo meelo kale.

Sidoo kale, waxay ciidammadeennu caawini jireen oo hub iyo saanadba ugu deeqi jiree qaar ka mid ah dalalka afrika ee xornimo doonka ahaa sida eritaria

Haddaba, Waxaa askariga soomaaliyeed mamnuuc ka ahaa in uu faafiyo sirta qaranka gaar ahaanna sirta ciidammada qalabka sida ee uu ka tirsan yahay.

Sidoo kale, xogaha iyo siraha u gaarka ah ciidammada waxay ahaan jireen kuwo xafidan oo ku jira gacno ammaan ah.

Burburkii gaaray dalkeenna wuxuu keenay in ay timaado xooga kala daadasho ah, balse, Ilaahey Swt xamdigiisa, wuxuu ummaddeenna garadsiiyay in ay mar kale dib wax u agaasintaan dibna boorka uga jafaan ciidammadooda.

maadaama culeys badan uu iska jiro haddana waxaa loo baahan yahay in marada dhaxda lagu adkeysto guntigana dhiisha leysaga dhigo, dhismaha ciidankana halkaa laga sii wado.

Maanta waxaan mareynaa in adduunyadu mar kale dib noo soo jaleecdo, cabsina ay markale ku abuuranto cadowgeenna, oo la ogyahay in aysan marna raalli ku ahayn in soomaaliya mar kale cagaheeda isku taagto yeelatana ciidammo awood badan, Maasha Allaah, Allaa yiri wayna noo ahaatay, waana guul soomaaliya u soo hoyatay.

Haddaba, maxaa maanta loo baahan yahay, waxaa loo baahan yahay waxaa ka mid ah:

  • In askariga soomaaliyeed laga dhiso: xag walba sida lexjeclada diinta, waddaniyadda dal iyo dad jaceylka.
  • Askariya soomaaliyeed waa in uu ogyahay oo la baraa inuu yahay midka ay shacabka u baahan yihiin kuna hurdaan isaga.
  • In askariga soomaaliyeed la baro waxa ay xurriyadda ummadda soomaaliyeed ugu fadhido
  • In askariga soomaaliyeed la baro xadduudaha dalka guud ahaan
  • In askariga soomaaliyeed laga dhiso dhanka caqliga anshaxa iyo asluub wanaagga
  • Askarigu waa inuu yaqaanna yaa kuu cadow ah yaase gacal kuu ah
  • Askariga soomaaliyeed waa in laga dhisaa dhinaca waxbarashada diinta iyo aqoonta guud
  • Askariga soomaaliyeed waa in lagu wacyigeliyaa in uu saaxiib la noqdo bulshadiisa, caawinaadda, u gargaaridda kuwa tabarta yar.
  • Askariga soomaaliyeed waa in uu ogyahay lana baraa in bulshadu ay yihiin kuwa uu u dhaartay difaaciddooda.

10-Askarigu waa inuu noqdaa mid ay ku farxaan shacabka ee uusan noqon mid ay ka naxaan.

11-Askariga waa in la baraa waxa kareeban iyo waxa u bannaan

Gebo gebo iyo Dardaaran:

Waxaan kula dardaarmayaa Madaxda Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya in ay si adag u xafidaan xogaha iyo siraha dalka gaar ahaan siraha ciidammada qalabka sida.

Sidoo kale, in laga reebtoonaadaa xogaha ciidammada in lala wadaago warbaahinta.

Waayahan dambe waxaa caadi iska noqotay in warbaahinta laga dhageysto howlgallada ciidammada iyo halka ay ku wajahan yihiin.

Bataatanba howlgallada ciidammada iyo waxay damacsan yihiin maahan in ay bannaanka u soo baxaan, si aan looga faa’iideysan waa in lagu dhaqaaqaa iyadoon cidna war u hayn sidaas bayna ahaan jirtay.

Arrimaha ciidammadu waa ukun xiran oo kale maahan in wax laga sii ogaado, taasina waa sir ciidan ee maahan wax bannaan yaal ah.

Waxaan rajeynayaa in loo qaato waano iyo wacyigelin, walaalayaal Ciidanku waa halbowlaha qaranka iyo ilaaliyaha ammaanka dal, dad iyo diin.

Waxaan u rajeynayaa geesiyada sooma jeesteyaasha soomaaliyeed in ay halgankooda halkaasi kasii wadaan kuwa siraha ka bixinayana la xisaabtamaan, Wa billaahi towfiiq

            WQ: Wargeyska Ilayska Dalka